Shariif Xasan oo Wasiirnimada ka doortay Gudoomiye Baarlaman(Xog rasmi ah)
Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaare Xigeen,Wasiirka Maaliyada,Xildhibaan iyo Saaxiibka Madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isku soo taagaya booska Gudoomiyaha Baarlamanka.
Masuulkan jagooyinka badan haaya oo inta badan saxaafada hadalkooda ka gaabsaday ayaa waxa uu xiligan u taaganyahay booska uu baneeyay Sheekh Aadan Madoobe.
Shariif Xasan ayaa u muuqda nin ka aarsanaya Aadan Madoobe oo markiisii hore xilka kala wareegay si qasab ah markii la casilay Shariif Xasan xiligii isku dhaca Xildhibaanada Baarlamankii Dowladii C/Laahi Yuusuf.
Shariifkan oo hadda haayay jagooyin badan islamarkaana dad badan ay aaminsanyihiin in taladiisa uu ku shaqeeyo Madaxweynaha oo ay yihiin saaxiiba isku dhaarta ayaa hadda isku soo taagay Boos uu xilli hore hayn jiray.
Shariifka ayaa iska casilaya Wasaarada Maaliyada xilkii uu ka haayay iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka si uu u cariirsado booskii markii hore laga qaaday oo shaqo ahaan uu aad u jeclaa.
Shariif Xasan ayaa waxa uu gudbiyay warqadii uu ku cadaynayay murashaxnimadiisa waxaana la filanayaa in uu iska casilo xilka uu ka haayo Dowlada.
Shariif Xasan ayaa waxaa culeys ku noqon kara haddii ay is raacaan Xildhibaanadii Dowladii hore ka mid ahaa maadaama madaxweynaha lagu soo doortay awood qeybsi oo kale.
Shariifkan waxa uu ka soo jedaa Isbahaysigii Dib u xureynta oo hadda Madaxweyne dalka uu uga yahay Sheekh Shariif iyadoo raggii Dowladii hore ka soo jeeday ay hayseen Gudoomiyhii Baarlamanka oo kacdoon ka dib is casilay.
Hadaba la ogaan doonee qaabka ay u suurtagasho in la dooro Shariif Xasan oo horay xildhibaano badan ay ugu eedeynayeen in uu lunsaday dhammaan dhaqaalihii Dowlada .
Haddii la doorto masuulkan xilalka badan haaya ayaa waxa dalka si toos ah ula wareegay Kooxdii Dib u xureynta uu hogaanka u ahaa Shariif Sheekh Axmed waxaana horay u jiray in maamulo badan lagala wareegay raggii ku jiray Dowladii C/laahi Yuusuf.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments