Calendar

Shariif Xasan oo ka faa’iideystay Diyaaradii keentay Madaxweyne Shariif.

shariif-xasan si-shiikh-shariifBartamaha (Muqdisho):- Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka duulay Magaalada Muqdisho xilli ay kulan ka sugayeen Golaha Baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saaka ka dhoofay Muqdisho ka dib imaanshaha Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha waxa uu shalay balamiyay Xildhibaanada in ay ka sii doodaan xeer hoosaadka oo manta la filanaayay in go’aan rasmi ah laga gaaro.

Socdaalka shariif Xasan oo aan horay loo shaacin ayaa waxa la xaqiijiyay in uu ku dhoofay diyaaradii siday Madaxweynaha taasi oo uu ka faa’iideystay kuna dhaqaaqay.

Inta badan diyuuradaha gaarka ah ee lago sopo qaado madaxda Dowlada ayaa waxa ay socdalkooda ku wajahaan dhanka Magaalada Nairobi halkaasi oo ka dib ay diyuurado kale ka sii raacaan madaxda Dowlada.

Lama garanayo socdaalka shariif Xasan halka uu ku wajahanyahay wallow la filaayo in Nairobi uu ka sii kexeesto Xildhibaano socdaalka ku wehlinaya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: