Shariif Xasan oo dib u bilaabay Socdaalkii uu caanka ku ahaa.
Bartamaha(Muqdisho):-Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka ayaa maanta socdaal ugu ambabaxay magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.
Wafdi uu hogaaminayay Shariif Xasan Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka dhoofeen garoonka Muqdisho iyagoo socdaalkooda ku wajahay Magaalada Nairobi.
Wafdiga Shariifka ayaa waxa ay wajaheen Kenya waxaana la filayaa in halkaasi ay kulamo kula soo yeeshaan madaxda dalkaasi Kenya oo ay inta badan madaxda Dowlada u tagaan wada tashi.
Shariif Xasan ayaa xiligii uu haayay xilka wasiirka Maaliyada waxa uu ahaa masuulka Labaad ee ugu safarka badan waxaana xilli waliba uu socdaalada ku wehlinayay madaxweynaha oo ay si aad ah isugu dhawyihiin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â
Â
Comments
comments