Shariif oo Saacadaha soo aadan magacaabaya Ra’iisul Wasaare.
Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo aadan magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya .
Waxaa saacadaha soo aadanm lagu wadaa in uu Madaxweyne Shariif ku dhawaaqo cida noqon doonta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo muddo xilkaasi oo banaanaa markii uu iska casilay masuulkii hore xilkaasi u hayay.
Shariif Sheekh Axamed oo wada tashiyo ku mashquulsanaa saacadaihii u danbeeyay ayaa la filayaa in uu toos u soo magacaabo masuulka la shaqeyn doona kaasi oo badalaya Ra’iisul Wasaarihii is casilay.
Shariif oo wada tashiyo la lahaa ragga ku dhowdhow ayaa waxa uu hadda goostay in uu magacaabo masuul la filayo in ay noqdaan kuwa is fahamsan maadaama muddo uu ka fiirsanayay ninka uu siin lahaa Xilkaasi Ra’iisul Wasaaranimo.
Sida www.Bartamaha.Com warar hoose oo soo gaaraya ay muujinayaan waxaa xilkaasi ugu cad cad in midkood lagu dhawaaqi doono masuuliyiinta kala ah:-
Mud.Maxamed C/risaaq Abubakar ,Prof. Muxudiin Cali Yuusuf iyo Saciid Jaamac Cali Qoorshel iyo masuul kale oo aan magaciisa la soo shaac bixin balse madaxweynaha ka soo raacay Magaalada Nairobi.
Haddii xilka Ra’iisul Wasaare la magacaabo ayaa lagu wada ain isbadal uu ku yimaado Dowlada waxaana daaqada ka baxaya oo la hubaa Wasiiro badan oo xilal soo qabtay kuwaasi oo dinbiyo lunsi dhaqaale loo wada haysto.
Wixii ku soo kordha qorshaha magacaabida Xilka Ra’iisul Wasaare kala soco www.Bartamaha.Com.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Comments
comments