Shariif oo gudiga Dastuur sameynta Heshiis hoose la galay (Xog dhab ah)
Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa shalay si dhab ah heshiis ula galay Gudiga samaynta Dastuurka kaasi oo hore uu ugu gacan sayray qoraaladii ay diyaariyeen.
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa lagu qanciyay aqbalaada Dastuurkii la sameeyay ee hore uu kula dagaalay Ra’iisul Wasaarihii tagay Dr.Cumar C/rashiid “Sharma’arke ” waxaana laga dhaadhiciyay aqbalaada dastuurkaasi dalka loo sameeyay.
Gudiga Dastuurka oo saddex Cisho si is daba joog ah Madaxweynaha ugu sharaxayay Dastuurka ay sameeyeen ayaa waxa ay ku guulaysteen in Madaxweynaha uu aqbalo inta badan qodobo uu hore si cad uga diiday in dalka loo ansixiyo dastuurkaasi.
Qodobada la fahamsiiyay Madaxweynaha ayaa waxaa ka danbeeyay markii Maalmahan oo idil uu socanayay qorshaha looga daadajinayo aqbalaada Dastuurka lagu soo sameeyay dalka Jabuuti horana loogu daabacay dalka Kenya.
Xubno ka mida gudiga Dastuur u samaynta dalka oo si hoose ugu sir baxay www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay daaha ka qaadeen in Madaxweynaha ay la gaareen heshiis ku aadan aqbalaada dastuurkan mudada soo jiitamayay sababayna in ay kala tagaan Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaarihiisa.
Shalay ayaa waxaa Madaxweynaha uu saxaafada u sheegay in uu gudiga Dastuurka siinayo Muddo Bil ah si ayt u soo dhamaystiraan samaynta Dastuurka dalka waxaana mudadasi looga sugayaa in ay keenaan qodobadada ay doonayaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan si loo ansixiyo dastuurka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqanayay mid uu gudiga amar ku siinayay wallow Heshiis qarsoon oo la kala sixiixday uu jiro kaasi oo ku aadan aqbalaada dastuurka Cusub oo uu Madaxweynaha si hoose u ogolaaday balse turxaan bixin lagu samaynayon qodobo yar ee uu hore u wada diiday.
Wixii xog arintaasi ku sii aadan www.Bartamaha.Com ayaa kuu soo bandhigaysa dhawaan Insha allaah.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments