(DHAGAYSO) Shariif oo eedeeyay kuwa dagaallamaya
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho maanta ka sheegay in kooxaha la dagaallamaya dowladdiisa ay doonayaan inay u istcimaalaan Soomaaliya sida Ciraaq iyo Afghanistan.
Warbixinta
Madaxweynaha, oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda guud ee uu ku sugan yahay dalka, ayaa waxa uu ku eedeeyay kooxaha la dagaallamaya dowladdiisa inay u adeegayaan dano shisheeye.
Madaxweyne Shariif ayaa waxa shirkiisa jaraa’id uu ku soo beegmay, maalmo kadib markii ay magaaladda Muqdisho dagaallo ba’an ku dhexmareen ciidamada dowladda iyo kooxaha Islaamiyiinta ee mucaaradka ku ah.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.