Calendar

Shariif oo dalbaday dib u dhigida Ansixinta Xukumada Cusub.

shariifuBartamaha (Muqdisho):- Warar soo baxaya ayaa durbaba cadaynaya in Madaxweyne Shariif uu codsaday dib u dhigida ansixinta Golaha Wasiirada Cusub.

Muqdisho:- Warar soo baxaya ayaa durbaba cadaynaya in Madaxweyne Shariif uu codsaday dib u dhigida ansixinta Golaha Wasiirada Cusub.

Sida lagu cadeeyay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in Madaxweynaha uu Baarlamanka ka dalbaday in dib loo dhigo ansixinta Golaha Wasiirada Cusub.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xalay si wanaagsan loo barayay Golaha Wasiirada Cusub ee la magacaabay ayaa waxa uu ka codsaday Gudoomiyaha Baarlamanka in uu dib u dhigo ansixinta Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha oo qoraal Xafiiskiisa ka soo baxay laga daba geeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa uu ku dalbaday Madaxweynaha in dib loo dhigo ansixinta Xukumada.

Madaxweynaha ayaa qoraalka ka daba tuurka ah waxa uu Shariif Xasan ka codsaday in uu dib u dhigo ansixinta Xukumada Cusub oo lagu waday in maalinta axada ah la horgeero Baarlamanka wallow dalabkan uu ka daba yimid.

Dalabka ayaa waxa uu madaxweynaha qoraalkiisa ku cadeeyay in maalmaha soo aadan ay tahay Ciidul Adxaa sidaa darted Codka kalsooni dalabka Wasiirada Cusub dib loo dhigo illaa 22-November.

Dalabka ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu ku dahaaran yahay qorshe Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya uu wato waxaana dhawaanahan la aaminsanaa in Khilaaf hoose uu weli taagnaa wallow xalay masuuliyiinta is khilaafsan ay garabka isku hayeen oo ay u muuqanayeen rag aan dagaalsaneen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: