Shariif iyo Sharma’arke oo Nairobi ku wada sugan.
Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya oo horay uu u joogay Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan Xubno ka mida wasiirada u dhow Madaxweynaha ayaa saaka soo gaaray M,agaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya xilli horay ay masuuliyiin badan u joogeen.
Madaxweynaha ayaa socodkiisa lagu sheegay mid ku wajahan Xubno ka mida Beesha Caalamka iyo Diblumaasiyiin uu kula shiri doono magaalada Caasimada u ah dalka Kenya Ee Nairobi oo noqotay saldhiga ugu weyn Ee Masuuliyiinta dowlada.
Laba Cisho ka hor waxaa Magaalada Naireobi soo gaaray Ra’iiusl Wasarae Dr.Sharma’arke oo saxaafada u sheegay in uu u yimid sidii uu u dardar galin lahaa Ciidamada la keenayo dalka Soomaaliya.
Sharma’arke ayaa shirar la qaadanayay Diblumaasiyiin si uu u helo kalsoonida Beesha Caalamka islamarkaana degdegsiimo loogu soo diro Ciidankii ay balan qaadeen Midowga Wadamada Afrika oo 4-Kun oo askari balan qaaday.
Hadaba Imaanshaha Madaxweynaha ayaan la ogayn waxa ay ku salaysantahay waxaana xilli waliba Nairobi soo saldhigta Madaxda Dowlada oo aad moodo in ay nasasho u soo aadaan magaalada Nairobi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments