Afduubayaal sii daayay shaqaalihii Safe The Children.
Bartamaha (Cadaado):- Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ku guulaystay in uu sii daayo shaqaale Save Children oo lagu haystay duleedka Cadaado.
Ka dib dadaalo badan ay sameeyeen Madaxda Maamulka Ximin iyo Xeebayaa lagu guulaystay in lagu sii daayo nin u dhashay Cadaanka Reer Zimbabwe kaasi oo afduub loogu haystay duleedka Cadaado.
Ninkan loo haystay afduubka ayaa ka mid ahaa shaqaalaha hey’adda caruurta ee Qaramada Midoobay (Safe Children) iyadoo horay loo sii daayay nin Somali ahaa oo shaqaalaha ka mid ahaa.
Ninka Somaliga ahaa oo laba Cisho ka hor la sii daayay ayaa waxa uu ahaa Milkiilaha Hotelka weyn Ee Peace oo ku yaala Muqdisho balse haatan la shaqeynayay Save The Children.
Milkiilaha Hotelkaasi oo gacanta afduubayaasha ku jiray muddo 24-Saac ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu soo daayay qaab qabiil wallow ninkan Cadaanka ah dhaqaale culus lagu bixiyay.
Madaxweynaha maamul gobalka Xubin iyo Xeeb Maxamed Xasan oo saxaafada la soo xariiray ayaa waxa uu beeniyay in dhaqaale lagu bixiyay sii daynta ninkaasi shaqaalaha ahaa.
Madaxweynaha waxa uu ku faanay in maamulkiisa uu nabada ka shaqeeyo islamarkaana uu la wada hadlay raggii abuuray falkan afduubka ah.
Warar hoose ayaa sheegaya in lacag u dhexeysa 100.000-Illaa 150.000-$ laga dhiibay ninkaasi la qafaashay wallow arinkaasi aan la xaqiijin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments