Calendar

Shacabka Kismaayo Oo ka soo horjeestay Go’aankii Ururka IGAD.

Muuqaalka Kismaayo

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose ayaa Maanta Cambaareeyay Go’aankii Maalinnimadii shalay ay ka soo saareen kulankii ay kuyeesheen magaalada Adis ababa ee Wadanka Itoobiya Wasiirada Arimaha Dibedda ee Urur goboleedka IGAD.

Taasoo ay ku sheegeen in ay go’doominayaan Dekedaha ay Maamulaan islaamiyiinta Soomaaliyeed ee kazoo Horjeeda Dowlada Kumeelgaarka ah.

Kuwaas oo ay ka mid tahay Dakadda Magaalada Kismaayo.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed, iyo Shacabka ayaa siyaabo kala Duwan uga hadlay arintaasi.

C/laahi Xaaji Max’ed oo ah Gudoomiyaha Dalada Jeen ahna Professor waxa ka dhiga Jaamacadda Kismaayo ayaa kutilmaamay go’aanka IGAD, mid loola danleeyahay Ururka Al-shabaab isagoo sheegay in uu yahay mid lagu baro kicinayo shacabka Soomaaliyeed eek u ku dhaqan Jubooyinka.

Sidoo kale Sheekh Dhicis oo kamid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ka ah magaaladan kismaayo ayaa sheegay in ay sabab u tahay kala qeybsanaanta Somalida waxaana uu ugu baaqay guud ahaan Soomaalida in ay wada hadlaan ayna qaataan kudhaqanka Shareecada Islaamka.

Waxaana saakay ay noqotay waxa lagu sheekeysanayo xayiraada la sheegay in la saarayo Dakadda Kismaayo ee Xarun goboleedka J/hoose.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: