Shacabka Dhoobley oo la amray la dagaalanka Axmed Madoobe.
Bartamaha (Dhoobley):- Amar ka soo baxay Saraakiisha Alshabaab Degmada Dhoobley ayaa shacabka dagan deegaankasi lagu amray la dagaalanka Axmed Islaam “Madoobe”.
Kulan shalay ka dhacay Degmada Dhoobley oo dhexmaray Nabadoona deegaanka iyo Saraakiisha hogaamisa Kooxda Alshabaab Degmadaasi Dhoobley ayaa la sheegay in lagu qasbayay Odayaasha soo aruurinta Ciidan lagu difaaco Dhoobley.
Kulanka ka dib ayaa saxaafada waxaa la hadlay Sheekh Maxamed Axmed (Abuu Sacad ) oo shacabka Dhoobley ugu baaqay ka qeybgalka dagaal ka dhan ah Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Sargaalkan waxa uu shacabka ka dalbaday in ay isku diiwaan galiyaan dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe oo la bilaabayo gudaha Bisha Barakaysan Ee Ramadaan iyadoo laga dalbaday Bulshada in ay difaacaan Deegaanka Dhoobley.
Sheekh Abuu Sacad waxa uu shacabka Dhoobley ku amray in ay iska qoraan saldhiga Degmada si loogu yeero xiliyada dagaalka uu soo bilaabo Sheekh Axmed Madoobe oo ay u taag waayeen Alshabaab Dhoobely.
Axmed Madoobe iyo Ciidamadiisa ku jira Howdka ayaa xilli waliba weerar ku qaada degmada Dhoobley taasi oo alshabaab ku kaliftay in ay magaalada baneeyaan xiliga habeenkii ah baqdin ay ka qadaan weerarka Koxdaasi darteed.
Marar badan ayaa la sheegay in laga laayay Alshabaab Ciidanka ilaalada magaalada markii Axmed Madoobe uu weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ku soo qaaday Dhoobley oo ay xiligan maamul ahaan dusha ka haystaan Alshabaab.
Amarka alshabaab ee ku wajahnaa ka qeybqaadashada shacabka dagaalada ka dhanka ah Sheekh Axmed Islaam ayaa imaanaysa xilli maalma ka hor magaaladaasi uu qabsaday Wadaadkaasi la dagaalsan Alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments