Shabaabka oo xukun dil ah ku riday Laba nin oo Ethiopian ah.
Bartamaha (Muqdisho):- Alshabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay laba nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Ethiopia.
Xukunka dilka ah oo ka dhacay Deegaanka KM.13 oo ay alshabaab ka taliyaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii maleeshiyada shabaabka ay gaari kala dageen labadaasi nin.
Labada nin waxa ay u dhasheen dalka Ethiopia balse waxa ay ku noolaayeen muddo dheer gudaha dalka soomaaliya oo ay deegaano kala duwan muddo ku sugnaayeen.
Shabaabka waxa ay raggaasi haysteen muddo 24-saac ah waxaana markii danbe ay ku rideen xukun dil ah oo lagu saleeyay in raggaasi ay ahaayeen jaasuusiin.
Raggaan labada ah ayaa waxa ay shabaabka ku sheegeen in ay ahaayeen Jawaasiis ama sirdoon u shaqeynayay Dowlada Ethiopia sidaasina shalay loo xukumay.
Fagaare ku yaala Deegaanka KM.13 Ee Duleedka Muqdisho ayaa waxaa raggaasi lagula riday xukun dil ah oo ay daawanayeen boqolaal dadweyna ah.
Labada nin ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah markii Qaadi Alshabaab ah oo ku riday xukunkaasi toogashada ah oo ahaa mid lagu saleeyay in raggaasi ay yihiin Jawaasiis.
Dilka goobta uu ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan oo Haween,Caruur iyo dad waaweynba lahaa oo dhammaan lagu amray in ay yimaadaan fagaaraha dilka ka dhacayay.
Ma aha markii ugu horaysay oo xukun nuucan ah ay shabaabka ka fuliyaan gobolada ay maamulaan waxaana horay loo xasuustaa in fagaarayaal ay ku dileen dad Soomaali ah oo ay ku xukmiyeen in ay ahaayeen Jawaasiis ama Sirdoon.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments