Shabaabka oo la wareegay Masjidkii Macalin Nuur iyo Ahlu sunnah oo baqdin ka qabta in la qodo Qabuuraha.
Bartamaha (Muqdisho):- Alshabaab ayaa awood u heshay in ay qabsadaan Masjidkii Macalin Nuur ee ku yaalay Degmada Hodon halkaasi oo muddo badan ay difaacayeen Ciidanka Ahlu sunnah Wal Jamaaca.
Dagaalkii xooga badnaa ee shalay galab ka dhacay Degmada Hodon ayaa sabab ka dhigay in Ahlu sunnah farahodoa uu ka baxo Masjidka Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo muddo dheer ay ka difaacayeen Alshabaab.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa waxa ay xoog ku galeen masjidka markii ahlu sunnah Ciidankooda ay isaga soo carareen xaafadaha ku dhow dhow Masjidkaasi oo muddo dheer dagaal uu ka dhacayay.
Lama garanayo galintaanka Masjidka waxa ka danbayn doona waxaana Masjidkaasi ku yaala Mowlac ay ku duuganyihiin Culima Caan ah oo ahlu sunah ay si aad ah u qadariyaaan kuwaasi oo muddo laga difaacayay Shabaabka si aanay qabriyadooda u soo qodon.
Saraakiisha Ahlu sunnah ayaa ka murigsan la waregida Masjidka ee Kooxda Alshabaab waxaana ay ka fekerayaan sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen maadaama masjidka ay ku duuganyihiin Wadaado la qadariyo oo ay ka baqanayaan in Lafahooda la soo qodo.
Shabaabka oo looga bartay in ay qabriyada Wadaada Kooxda Ahlu sunnah ay soo qodaan ayaanan la ogayn waxa ay ku dhaqaaqdi doonaan maadaama saacada badan ay weli haystaan Dhismaha Masjidka Macalin Nuur Ee Degmada Hodon.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments