Shabaabka Oo Dhoobley Lagu Weeraray
Bartamaha:Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn culus xalay loo geystay degmadaas, kadib markii Ciidamo taabacsan Dowladda KMG iyo Ciidamo kale oo horkacayo Axmed Madoobe ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca Kenya, kuwaasoo oo Madaafiic ku garaacay goobo bartilmaameed ahaa oo ku sugnaayeen Meleeshiyaadka Shabaab.
Dadweynaha ku suganaa Degmada Dhoobley ayaa saakay bilaabay barakac xoogan kadib markii ay xalay ka seexan waayeen Madaafiicda kusoo dhacayso Degmada Dhoobleey.
Waxaa jira cabsi iyo jahwareer ay qabaan shacbaka kusugan Dhoobleey, iyadoo aan wali la xaqiijin qasaaraha dhabta ah ee kasoo garay dhinacyada xalay fiidki isku weeraray Madaafiicda iyadoo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan Degmada Dhoobley.
Meshiyaadka Shabaab ayaa cabsi ku abuurtay Madaafiicdii xalay lagu soo weeraray iyagoo haatan ku ganbanaya godad waaweyn ee dhufeyska ka dhigteen, wax war ahna kamasoo bixin saraakiisha Shabaab si ay u cadeeyaan qasaaraha kasoo gaaray Madaafiicdii xalay lagu garaacay goobaha ay fariisamaha ka sameesteen.
Saadaasha ayaa umuuqata Xeelada dagaal ee ka soo ifbaxeysa Dhoobley ayaa la mid ah tii Beledxaawo oo kale, taasoo aheyd markii madaafiic lagu garaacay degmada oo u muuqatay mid dhufeysyada looga saarayay, kadibna dagaal toos ah oo fool ka fool uu ka qarxay.
Madaafiicdaani xalay lagu garaacay Magaalada Dhoobeelay ee gobolka Jubada hoose ayaa waxaa ay imaanaysaa xili gobolada dalka Somaaiya ay ka socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada dowladda FKMG Soomaaliya oo ka dhan ah Mucaaradka Al Shabaab.
www.Bartamaha.com
Comments
comments