Calendar

Shabaabka oo Dhaqaalo u arurinaya Shaacbka ku dhibaateesan Hiiraan

HiranHiiraan/Bartamaha: Gudiga gurmadka abaaraha ee Maamulka Xarakada Al-Shabaab ayaa ka wada dadaalo ku sabsan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaataysan ee ku dhaqan gudaha gobalka Hiiraan.

Saraakiil ka tisran Al-Shabaab ayaa waxay magacaabeen Xubno u qaabilsan Gudiga Abaaraha si ay shacabka ugu sheegaan xilliyada Saladaahada Jameecada kadib, waxayna sheegeen inay haatan bilaabeen qaabkii ay ugar gaari lahaayeen Dadka ku dhibateesan Degmooyinka Gobolka Hiiraan xarumaha ay ka taliyaan.

Maamulka AL-Shabaab Ee Gobolka Hiiraan ayaa balan qaaday inay qeyb lixaad ah ka qaadanayaan Dhibaatooyinka ku habasatay Shacabka ku dhaqan Hiiraan.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay Dhaqaalaha ay Kooxda AL-Shabaab u aruurinayaan Shacabka Reer Hiiraan oo saameeyay abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya.

Dadkaani Abaaraha ku habsatay Gobolada Dalka Soomaaliya iyo Caasimadda Mugadisho ay iskugu jiraan Dad Xoola dhaqato ah iyo kwua kazoo barakacay Dagaalada u dahxeeyay Ciidmaad dowladda oo AMISOM garab siisa iyo Al-Shabaab oo diidan hogaanka Dowladda iyo joogitaanka AMISOM.

Ugu Danbeyntii Saraakiisha Al-Shabaab ayaa wacad ku maray inay gargaari doonaan islamarkaana ay dhaqaalo u aruurin doonaan Shacabka musiibada ku habsatay iyagoo markii hore ku jahwareersanaa Dagaalada ka jira dalka Soomaaliya iyo Caasimadda Magaalaad Mugadisho.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: