Al Shabaab oo Kismaayo ka bilaabay qafaalka dhalinyarada
Bartamaha (Kismaayo):- Warar xog ogaal ah oo aynu ka helnay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Alshabaab Kismaayo ay bilaabeen qafaalka dhalinyarada.
Sida uu www.Bartamaha.Com u sheegay Wiil dhalinyara ah oo malin ka hor si baxsad ahaan ah ku gaaray Muqdisho waxaa Magaaladac Kismaayo ka bilowday qafaalka dhalinyada oo la gaynayo deegaano ka mida Howdka Jubooyinka.
Wiilkan dhalinyarada ah oo www.bartamaha.com la hadlayay isagoo dalbaday in magaciisa la qariyo sababo dhanka ammaanka ah ayaa waxa uu daaha ka qaaday in Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo muddo 5-Cisho ah dhalinyarada laga qabqabanayay wadooyinka.
Wiilkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in uu ogaaday laba cisho ka dib markii qafaalka uu bilowday waxaana uu xusay in dhalinaro badan la waayay halkii ay qabteen markii wadooyinka Kismaayo gaar ahaan goobaha lagu shaaho laga abqabtay.
Qafaalkan ayaa waxa uu sheegay in ay shabaabka bilaabeen markii dhalinyarada ay wadooyinka uga sheekeeynayeen maalmahan ciyaaraha ka socda Yurub oo si hoose ay guryaha ugu daawadaan balse ay ka sheekeeyaan.
Ilaa haatan waxaa la hadal haayaa in dhalinyaro badan oo la waayay ay ku njiraan gacanta alshabaab waxaana tababaro ay ka socanayaan Xerooyin ku yaala dhulka u dhexeeya Raaskambooni iyo Magaalada Kismaayo.
Dhlinyaro badan ayaa la hadal haayaa in alshabaab ay xoog ku galiyeen dagaladii ugu danbeeyay ee caasimada ka dhacay waxaana weli la ogayn sababta qafaalka hadda socda keentay xilli dagaalo xoogan aanay caasimada ka socon.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Comments
comments