Shabaab oo soo bandhigtay meydadka askar ay sheegeen inay ka tirsanaayeen AMISOM
Xarakada Al Shabaab ayaa maanta deegaanada loo barakacay kusoo bandhigtay meydadka askar ay sheegeen inay ka tirsanaayeen AMISOM, iyadoo AMISOM ay beenisay in meydadkaasi ay ka tirsanaayeen askartooda.
Deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa la sheegay in Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ay kusoo bandhigeen Meydadka askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku geeriyooday dagaaladii maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage iyo Wakiilka Al Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir oo deegaanka Calamada kula hadlay Warbaahinta iyo dad weyne isugu soo baxay deegaankaasi ayaa waxa ay sheegeen in dagaaladii maanta ka dhacay Dayniile ay ku dileen ku dhawaad 100-askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM sida ay hadalka u dhigeen.
[slidepress gallery='burundi']
Comments
comments