Shabaab oo soo bandhigtay Mayd lagu sheegay Askari Amisom ah(Daawo Sawirada).
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa maanta soo bandhigtay Maydka Askari ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa Ciidanka Amisom.
Kooxda Alshabaab ayaa maanta soo bandhigtay Mayd ay ku sheegeen in uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Amsisom kaasi oo lagu dilay dagaal xalay ka dhacay xaafado ka mida Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.
Cali Dheere Afhayeenka Alshabaab oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Amisom kaasi oo ay ku toogteen gudaha xaafadaha Degmada Hodon oo xalay ay dagaal kula galeen Amisom.
Afhayeenka Shabaabka waxa uu sheegay in askariga ay ku dileen uu ahaa mid dagaal toos ah kula jiray Ciidankooda waxa uuna cadeeyay in uu ka mid yahay askar ay horay ugu dileen gudaha Muqdisho.
Askariga maydkiisa la soo bandhigay ayaa waxa uu watay qorigiisa iyo darees Ciidan oo ah kuwa ay qaataan Ciidanka Ugandha oo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta u jooga Muqdisho ee Amisom.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments