Calendar

Shabaab oo soo bandhigay Askar ka soo goosatay Ilaalada Villa Somalia (Daawo Sawirada).

askarBartamaha (Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay Askar shalay ka goosatay Ilaalada Madaxtooyada Soomaalia ee Vila Somalia halkaasi oo dagaal mudooyinkii la soo dhaafay uu ku socanayay.

Fagaaraha Xerada Maslax oo lagu xareeyo dhalinyarada Tababarka la siinayo Ee Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay Saddex Askari oo ka soo goosatay Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya kuwaasi oo ku biiray shabaabka.

Askarta oo ahayd Saddex Askari ayaa waxa ay wateen dareeska Ilaalada Madaxtooyada iyo Hubkii fududaa oo ay uga soo horjeedi jireen Maleeshiyada ay haatan gacantooda galeen Ee Alshabaab.

Cali Maxamed Xuseen “Cali Jeesto” gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa saxaafada u sheegay in in raggaasi ay ahayeen saraakiil sare oo qaabilsanayd Ilaalada Villa Somalia isagoo ku faanay in dhamaan Ciidanka ay wadada ku soo jiraan.

Cali Jeestoole waxa uu sheegay in Askarta aan isa soo dhiibin loogu gali doono Madaxtooyada dhibaata culusna la marsiin doono9 haddii aanay haatan isaga soo bixin madaxtooyada ay ka dhex dagaalamayaan.

Gudoomiyaha shabaab Gobolka Banaadir Cali Jeestoole waxa uu cadeeyay in ciidankooda ay hoosta ka joogaan madaxtopoyada isagoo wacad ku maray in ay diyaar yihiin raggii gali lahaa Villa Somalia dhawaana ay soo afjarayaan Kooxda Madaxtooyada sida uu hadalka u dhigay.

Shabaabka shalay waxa ay sheegeen in Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada uu shabaab ku biiray wallow ay ku fashilmeen hadalkaasi markii uu shirjaraa’id qabtay Taliyaha Ciidankaasi Madaxtooyada C/laahi Cali Canaoole.

Isku soo duub Saddexda nin ee ka goosatay Ilaalada Madaxtooyada ayaa la amray in ay saxaafada hortoda ku Towbad keenaan islamarkaana ay ka soo laabtaan sida loo sheegay Gaalnimadii ay ku jireen taasi oo ay caada ka dhigteen Kooxda alshabaab oo aaminsan in cidii ka soo horjeeda ay Gaala yihiin.

Daawo Sawirada:-

as2

Askari shabaab noqday

Askari shabaab noqday


Cali Jeesto Gudoomiyaha shabaab Muqdisho

Cali Jeesto Gudoomiyaha shabaab Muqdisho

Saddexda Askari ee u goosatay shabaabka

Saddexda Askari ee u goosatay shabaabka

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: