Shabaab oo Odoyaal xabsi dhigay.
Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay tilmaamayaan in kooxda Shabaab ee maamusha deegaano ka tirsan Gobalkaasi ay xir xireem Odoyal dhaqameed kadib markii sida la sheegay muran xoogan uu soo kala dhaxgaley.
Dad deegaanka ah oo ku sugan Gobalka ayaa waxaa ay noo sheegeen in Shabaab sacadihii ugu danbeeyay deegaano hoostaga Degmada ceel-buur ee Gobalka Galgaduud ay ku xir xireen Odoyaal dhaqameed la sheegay in si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya gaar ahaana Gobalka.
Odoyaal dhaqameed ku dhow 10-ruux ayaa lasoo sheegayaa in xarakada Shabaab ciidamadooda ay xireen,waxaana la sheegay in Odoyaasha xarigooda uu ka danbeeyay kadib markii Shabaab ay ku qabsadeen iney diyo ka dhiibaan dad rayid ah oo ciidamadooda ay ku dileen Deegaano ka tirsan Gobalka.
Madaxda maleeshiyada Shabaab oo ka careysan amarka ay kusoo rugeen Odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa ay qab qabteen dhamaan intii kusoo af celisey ee diyada dalbatey,kuwaasi oo haatan ku xiran Xabsi kuyaala Deegaan hoostaga Magaalada Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.