Shabaab oo nin Caan ah ku dilay Xadka Kenya.
Bartamaha (Nairobi):- Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Xalay toogasho bareer ah u gaysatay nin ka shaqeyn jiray Hay’ad dhanka Nabada u ololaysa taasi oo ka dhisnayd gobolka Gedo.
Koox hubaysan oo gaari nuuca raaxada ah wadatay ayaa xalay dil bareer ah u gaysatay Allaha u Naxariistee Ibraahim Xandule oo ahaa 45-jir ka tirsanaa hay’ada Nabada ka shaqeysa ee loo yaqaano (Gedo peace consortuim).
Ninkan ayaa waxaa la sheegay in ay dileen 4-nin oo hubaysan kuwaasi oo ku toogtay meel ka mida Xadka wadanka Kenya oo dhul ahaan ka tirsan dalkaasi Kenya wallow ay markii danbe isaga carareen goobta ay ku hubsadeen geerida ninkaasi Nabada u ololayn jiray.
Dilka Ninkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Maleeshiyaadka shabaabka ay dhawaan dib u qabsadeen Degmada Buulo Xaawo ee Gobolkaasi Gedo halkaasi oo dhowr jeer uu dagaal ka dhacay.
Maydka Allaha u Naxariisto Ibraahim Xandul ayaa waxaa saaka lagu aasay Degmada Mandheera Ee dhulka Soomaalida dagantahay ee wadanka Kenya halkaasi oo uu mudooyinkan ku sugnaa ninkaasi la dilay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments