Shabaab oo gacanta ka jartay Wiil dhalinyara ah
Bartamaha (Buulabarde):- Kooxda Alshabaab ayaa gacanta midig ka jartay wiil dhalinyara ah oo lagu soo oogay fal xatooya ah.
Wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabayay Axmed Cali ayaa waxaa maanta uu waayay gacantiisa Midig oo looga jaray fagaare dadka ay daawanayeen jarida gacantiisa midig oo uu waayay markii lacag uu xaday.
Wiilkan ayaa waxaa lagu haystay qaadashada 5-Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah oo u dhiganta 180-$ oo uu ka xaday haweenay ay ehel wadaag ahaayeen taasi oo uu ku mutaystay in la jaro gacantiisii midig.
Goobta looga jarayay gacanta ayaa waxaa joogay Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan oo ah sargaalka Hogaanka ka ah Degmada Buula barde oo ay shabaabka maamulaan waxaana uu goobta ka sheegay xukunka wiilkaasi ku dhacay.
Wiilka ayaa waxaa la faray in uu bixiyo lacagtii uu xaday oo gacantiisa loo jaray taasi oo noqotay xukun ku cusub Deegaanka maadaama wiilka dhalinyarada ah laga jaray gacanta oo misana laga sii dalbanayo dhaqaalihii uu ku mutaystay jarida gacanta.
Xukunkan ayaa waxa uu qeyb ka yaray Xukuno shabaabka horey ay u sameeyeen oo goobaha ay maamulaan caada ka noqday waxaana marar badan gacmaha laga jaray dhalinyaro lacag aan qiima badnayn xaday xili xaalad nolol xumo ay haysato Soomaalida inteeda badan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments