Shabaab oo dishay nin Basaas ay ku sifeysay
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa meel fagaara ah dadka hortiisa ku dishay nin ay ku tilmaamtay Jaajuus u shaqeynayay Dowlada Maraykanka.
Shabaabka ayaa Maxkamad gaar ah saaray nin lagu magacaabo Axmed Cali Xuseen oo ahaa 43 jir ka soo jeedaDeegaanada Somaliland balse ahaa nin aad ay u yaqaanaan dhammaan madaxda sare Ee Kooxda mayalka adag Ee Alshabaab oo shalay dishay ninkaasi.
Shabaab waxa ay ninkan u aqoonsatay Jaajuus Maraykanka u adeegayay waxaana shalay ku dhacay xukun dil toogasho bareer ah oo Maxkamad shabaabka leedahay ay riday islamarkaana ay dhalinyaro aad u da’yar ay xukunka dilka ay fuliyeen.
Waxaa goobta ka hadlay rag uu ka mid ahaa Cali Muxumed Xuseen gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir oo ku dhiiraday ka hadalka ninka la dilayay isaga oo ku dooday in uu jaajuus ahaa waxaana uu balan ku qaaday soo bandhigida Cajalado muujinaya Kulan uu la yeeshay CIA-da Maraykanka.
Xukunka ninkan ku dhacay ayaa waxaa ka soo baxaya Faah-faahin kala duwan iyada oo warar is khilaafsan la helayo oo ku aadan sababta loo dilay 43-jirkan shabaabka ay Jaajuus u aqoonsadeen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments