Shabaab oo Bakaaraha ku dishay la taliyihi Sheekh Axmed Madoobe
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Shabaab ayaa xalay si bareer ah Suuqa Bakaaraha ugu dishay nin xilli ahaa la taliyihii Sheekh Axmed Madoobe oo ahaa sargaalkii shabaabka kula dagaalamay Kismaayo.
Maleeshiyaad afka soo duubtay ayaa Xalay salaadii Cishaha ka dib waxa ay ku dileen gudaha Suuqaasi Bakaarana nin Wadaad ahaa oo xilli la shaqeyn jiray Sheekh Axmed Madoobe oo ayaa sargaalkii shabaabka hubkiisa kala hortagay gudaha Kismaayo.
Wadaadkan ayaa ka soo baxay Masjidka Abuu Hureyra waxaana lagu hortoogtay qeybta laga weysa qaato Ee Masjidkaasi xilli uu la hadlayay wiil dhalinyara ah oo goob ganacsi ay hadda ka wada shaqeynayeen.
Wadaadkan ayaa rasaas madax lagala beegsaday ugu geeriyooday albaabka hore Ee Masjidka Abuu hurayra oo uu u cararay markii rasaasta lagu bilaabay waxaana maydkiisa goobta ka qaaday qaar ka mida asxaabtiisa xagga ganacsiga.
Wadaadka shabaabka ay dileen xalay ayaa waxaa la sheegay in dhawaanahan uu ahaa nin iska ganacsada ah waxaana uu sanad ka hor ahaa La taliyihii gaarka ahaa Ee Sheekh Axmed Islaam “Madoobe” oo shabaabka ay dagaal muddo socday ka dib ugu awood sheegteen Jubada Hoose.
Shalay ayay ahayd markii Maleeshiyo afar nin ahayd ay dileen Laba Wiil oo dhalinyara ah oo mid ka mid ah uu dhawaan ka yimid South Afrika waxaana xiliga la dilayay ay ka soo baxeen salaadii Duhur Ee shalay.
Dilalka Bistooladleyda Islaamiyiinta ayaa dhawaanahan ku yaraaday Bakaaraha wallow shalay illaa Xalay saddex qof ay marayaan dadka ku caan baxay dilka khaarijinta qarsoon ee aan la aqoon cida masuliyadeeda loo racan karo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments