read more »">
Calendar

Shabaab oo baaq dagaal u jeedisay Shacabka Galgaduud.

1_921714_1_34_993330873Bartamaha (Galgaduud):- Horjoogaha Maleeshiyada Shabaab Ee Gobolka Galgaduud ahna wakiilka Alshabaab Ee Gobolkaasi ayaa baaq dagaal ujeediyay shacabka dagan Gobolka.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kabo-kutukade) oo ah Gudoomiyaha Alshabaab Ee Galgaduud ayaa shacabka dagan Gobolkaasi u jeediyay baaq dagaal ay kula galayaan Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Kabo-kutukade ayaa waxa uu warbaahinta u mariyay baaq dagaal oo ku wajahan shacabka dagan Gobolkaasi Galgaduud oo uu ugu baaqay in ay dagaal toos ah isaga dulqaadaan xukunka Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Wadaadkan ka mid ah shabaab ayaa waxa uu sheegay in ay dagaalo ka bilaabayaan Gobolka Galgaduud oo ah dhulka ugu badan oo shabaabka ciidanka ugu badan uga la’deen ka dib markii marar badan ay ku fashilmeen la wareegida dhulka Ahlu sunnah haysato.

Sargaalkan u hadlayay Maleeshiyada Shabaabka ayaa waxa uu ugu danbayntii daaha ka rogay in  ay taageerayaan shacabka ahlu sunnah dhulkooda ku nool hadii ay la dagaalamayaan Kooxdaasi ahlu sunnah.

“Waan taageeraynaa shacabka dhiban ee Qabuuralayda ay xooga ku haystaan….waan caawinaynaa si ay isaga dulqaadaan kooxdan anaga waan soo soconaa ee dulqaata Mujaahidiinta way idin cawin doonaan…… la dagaalama oo iska dulqaada Gumaystahan……..      ” ayuu yiri Kabo-kutukade.

Hadalka nbaaqa dagaalka ah ee ka soo yeeray sargaalkan shabaabka ah ayaa imaanaya xilli amaanka Gobolkaasi uu maalmihii u danbeeyay qalqal ku jiray markii ahlu sunnah ay duulaan ku qaaday Cadaado alshabaabna ay ka faa’iidaysteen oo saacada qabsadeen Dhuusamareeb.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: