Calendar

Shabaab oo Afmadow ku dishay wiil Ciyaartoy ahaa

Askari Al-shabaabBartamaha (Afmadow):- Kooxda Shabaab aya si bareer ah u toogatay wiil dhalinyara ahaa oo ciyaarayay Kubada Cagta.

Kooxda Shabaab ayaa shalay galab weerartay fagaare ay ku ciyaarayeen dhalinyaro Soomaaliyeed duleedka Degmada Afmadow Ee Gobolka Jubada Hoose halkaasi oo ay ku dileen wiil dhalinyara ah qaar kalana ku jirdileen.

Wiilka la dilay ayaa magacagiisa lagu soo koobay Maxamed Yare waxaana maleeshiyada shabaabka ay wiilkaasi la beegsadeen rasaas ay qeybaha hoose ee jirkiisa haleeshay taasi oo uu markii danbe ugu geeriyooday.

Wiilka dhintay ayaa lala qabtay dhowr dhalinyara ah waxaana uu hadal ku celiyay sargaal watay maleeshiyada soo weerartay fagaaraha ay dhalinyarada ku ciyaarayeen taasi oo keentay in uu rasaas kala beegsaday Labada lug.

Ku dhawaad 10-dhalinyara ah ayay shabaabka ku jirdileen fagaaraha ay weerareen waxaana goobtaasi laga qaaday wiilka dhalinyarada ah oo ninka sargaalka ahaa sida bareerka ah rasaasta ugu dhiftay isagoo markii danbe ku dhintay gudaha Magaalada goob caafimaad oo la dhigay.

Shabaabka ayaa xilli hore waxa ay mamnuuceen ciyaaraha kubada Cagta iyagoo deegaano badan ka banaday fagaarayaal dhalinyarada ku ciyaari jireen xiliyada Dugsiyada iyo Schoolada ay fasaxa yihiin.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: