Calendar

Shabaab iyo Dowlada oo ku dagaalamay Deegaanka Rabdhuure.

dagaal-culusBartamaha (Rabdhuure):- Dagaal qaraar ayaa saacadihii u danbeeyay ku dhexmarayay Gobolka Bakool Kooxda Shabaab iyo Ciidanka Dowlada. Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay deegaanka Rabdhuure Ee Gobolka Bakool ka dib markii  Ciidanka Dowlada ay weerar ku qaadeen saldhigyo shabaabka ku leeyihiin duleedka Rabdhuure.

Dagaalka ayaa balaartay waxaana la sheegaya ain qasaara xoog badan ay isku gaysteen alshabaab iyo Dowlada KMG ah oo dagaalkii dhexmarayay uu ku baahay dhul badan oo gobolka ah.

Taliyaha Ciidanka Dowlada Ee Deegaanka Yeed Cabdi Saaqid Dubane oo saxaafada la soo xiriiray ayaa waxa uu daaha ka qaaday in dagaalka ay ku dileen saraakiil sare oo shabaab ah oo ay ajaanib ku jireen.

Cabdi Saaqid Dubane Waxa uu sheegtay in ay hayaan sargaal shabaab ah oo ay nolosha ku qabteen kaasi oo qaabilsanaa aaga shalay dagaalka uu ka dhacay ee deegaanka Rabdhuure.

Sargaalkan waxa uu qirtay in qasaara soo gaaray askarta Dowlada isagoo xusay in 3-askari ay ka dhinteen 7-kalana dhaawac uu ka soo gaaray dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay Degamada Rabdhuure.

Dhanka shabaabka waxaa saxaafada la hadlay Sheekh C/casiis oo ah afhayeen dhanka ciidanka shabaabka kaasi oo shaaca ka qaaday in ay dib u caabiyeen weerarkii dhanka Dowlada.

Sargaalkan shabaabka ah waxa uu sheegay in ay dagaalka sii wadayaan oo ay gaari doonaan Yeed iyo deegaano badan oo ay haatan joogaan Ciidanka Dowlada iyo kuwa Ethiopia.

Alshabaab waxa ay sheegatay in ay dagaalkii shalay ku dileen askar Ethiopian ah oo fara badan kuwaasi oo weerarka kusoo qaaday Deegaanka Rabdhuure Ee Gobolkaasi  Bakool.

Xalaada gobolka ayaa haatan dagan waxaana la soo sheegayaa in ay weli is horfadhiyaan Islaamiyiinta shabaab iyo kuwa Dowlada oo weli isku horfadhiya dhulkii shalay lagu dagaalamay ee dhacayay duleedka Rabdhuure.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].



Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: