Shabaab “Dagaalkii aan galnay waa Barakaysnaa guulna waa ku dhamaatay Bishii Ramadaan”.
Bartamaha (Muqdisho):- Alshabaab ayaa guula balaaran ka sheegatay dagaaladii dhacay bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.
Afhayeenka Alshabaab oo shirjaraa’id u qabtay warbaahinta dalka ayaa faah-faahin dheer ka bixiyay dagaaladii qorsheysnaa ee Muqdisho ka socanayay mudadiid Bisha Rmadan oo dhan xiligaasi oo Alshabaabay dagaalo ka hurisay Muqdisho.
Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raage ‘Cali Dheere” oo saxaafada war siinayay ayaa daaha ka rogay in ay ku guulaysteen dagaaladii ka dhacay gudaha Muqdisho laga bilaabo Bishii Ramadan bilowgeeda illaa malintii u danbaysay.
Cali Dheere waxa uu sheegay in dagaalada,Qaraxyada iyo Camaliyaad kale oo ay shabaabka sameeyeen ayaa waxa uu ku sheegay kuwa Barakaysan islamarkaana Cadowga Alle lagu laayay sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ayaa xusay in guushii ugu weynayd ay ahayd markii ay qarxiyeen Xildhibaano,Saraakiil, iyo Ciidan daganaa Hotelka Muna oo bisha Ramadaan bartankeeda dad lagu laayay Hotelkaasi.
Sidoo kale Cali dheere waxa uu xusay in shabaabka ay guul balaaran mar kale ka gaareen dagaladii ka dhacayay Woqooyiga iyo Wadada Dabka oo muddo ka badan 15-Maalmood aanay rasaasta ka joogsan.
Sidoo kale sargaalkan waxa uu cadeeyay in dagaalkii ka dhacay Garoonka dhexdiisa iyo Ismiidaaminta ay ku dhamaadeen Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada oo maalintii ugu danbaysay Ramadaanka lagu soo afjaray dagaalada.
Alshabaab waxa ay weli qorshaynaysaa dagaalo iyo qaraxyo kale si ay u layso Cadowga Alle ayuu yiri afhayeenka Alshabaab oo ay ka muuqanaysay in uu caro weli u soo qabo AMisom iyo Dowlada oo dagaalkooda shacabka ay ku dhamaadaan maalin walba.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
Comments
comments