(DHAGAYSO) Sh Xasan oo beeniyay inuu dhaawacmay
Hogaamiyaha Xisbul Islaam, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay ama ku dhintay dagaal dhawaan dhexmaray mucaaradka iyo dowladda.
Xasan Daahir
Waxaa maalmahan suuqa ku jiray wararkaasi sheegayay in Shiikhu ku dhaawacmay ama ku dhintay dagaalka ka dhex socda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinac kale ah.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Shiikx Xasan Daahir, magaalada Muqdisho ayaa kadib waxa uu wareysi siiyay BBC, isagoo ku beeniyay wararkaasi oo uu sheegay inay faafiyeen sida uu yiri niman jabay oo doonayay in ay oohin ku baabi’iyaan.
Shiikh Xasan ayaa ku tilmaamay dagaallada ka socda gobollada dhexe inay yihiin kuwo dibedda laga soo abaabulay.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.