Sh Shariif oo Markale Dibada u Safray maanta kana qeybgalaya shir
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan isaga oo ku sii jeeda dalalka France iyo Germany.
Madaxweynaha France Nicolas Sarkozy ayaa ku casuumey Madaxweynaha Soomaaliya kulanka sanadeedka France iyo madaxda Africa (Africa France Summit), kulankaas oo ka dhici doona  May 31 ilaa June 1, magaalada Nice ee dalkaasi France.
Kulankan waxaa ka soo qayb gali doono wakiillo ka socda konton waddan oo Africaan ah oo ay ku jiraan 40 Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, masuuliyiinta dowladda France iyo shirkadaha ganacsiga ugu waaweyn dalka Fransiiska.
Markii uu kulankaasi dhamaado waxa uu Madaxweynuhu booqanayaa June 3-deeda dalka Jarmalka halkaas oo uu ku qaabili doono Madaxweynaha Jarmalka, Horst Köhler iyo Chencellor-ka Germnay, Angela Merkel.
Madaxweynuhu waxa uu kala hadli doonaa madaxda France, madaxda Africa iyo masuuliyiinta Jarmalka xaaladda Soomaaliya isaga oo ka codsan doona in dowladda Federaalka KMG ah gacan laga siiyo soo celinta amniga iyo kala danbaynta, dib u dhiska hay’adaha qaranka, maal-gelinta Somaaliya, ufursad shaqo u abuurista dhallinyarada Soomaaliyeed, u gargaarka dadka tabaalaysan iyo kuwa barakacsan.
Warfaafinta Madaxtooyada
Comments
comments