Saxafiyiinta Somaliland oo u Ololaynaya Bilaabitaanka Idaacado Madaxbaan
Bartamaha(Hargeysa) Golaha ay ku mideysan yihiin saxafiyiinta  Soomaliland ayaa daboolka ka qaaday inay u ololaynayaan xooga sidii magaalooyinka Somaliland oo ay ugu horeyso caasimadda hargeysa looga furi lahaa  idaacado madaxbanaan waxayna arintani ku tilmaameen iney qeyb aad u weyn ka qaadan doonto horumarinta saxaafadda iyo dimuquraadiyada Somalialad.
Gudoomiyha golaha ay ku mideysan yihiin warfidiyeenada Somalilad ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano SOLJA Mustafe Ahmed ayaa sheegay in muddo dheer ay ka dhur sugayeen in idaacado madaxbanaan laga furo somaliland, iyadoo xukumadii meesha ka baxday ee uu hogaamin jiray daahir riyaalana ay mamnuucday in la furi karo idaacado madax banaan haddana waxay gudigani ka shaqeeya horumarinta wrabaahinta somaliland ku dadaalayaan in somaliland laga furo idaacado madax banaan, iyadoo gudoomiyuhu uu sheegay in Madaxweynaha haatan talada hayo uu ballan qaaday markii uu doorshada ku jiray in xukuumadiisu ay ogolaan doonto furitaanka idaacada madaxbanaan oo Somaliland ka hawl gala.
Waxa uuna gudoomiye Mustaf Shiine sheegay in xukuumadda Siilaanyo looga fadhiyo sidii ay balantaasi u oofin lahayd.
Gudoomiyaha suxufiyiinta Soomaaliland ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in saaxafada Soomaaliland ay tahay mid doorweyn ka ciyaarta dumuqraadiyada haatan ka jirta maamulkaasi isagoo soo jeediyay in xukumada cusub ay ogalaato codsigooda ah in idaacado gaar ahaana raadiyayaall madaxbaanaan laga furo Soomaaliland.
Bartamaha.
Hargeysa.
Comments
comments