read more »">
Calendar

Saxafiyiin Afgooye lagu xeray oo la sii daayay.

RadioBartamaha(Muqdisho):-Saddex suxufi oo ay xerteen Xizbul Islaam ayaa la sii daayy Laba maalmood ka dib kuwaasi oo handadaad lagula dhaqaaqay xabsiga gudihiisa.

Saddex suxufi oo ay xerteen Xizbul Islaam ayaa la sii dayay kuwaasi oo Laba maalmood lagu haayay Xabsiga Degmda Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Shiiqa Cadow Amiin,Axmed Yuusuf Idajaa iyo Maxamed Ma’da oo wakiilo u kala ahaa Simba Radio,IQK iyo Radio Xurmo ayaaa shalay galab la sii daayay.

Saddexda saxafi ayaa inta ay xabsiga ku jireen  lagula dhaqaaqay handadaad iyo cabsi galin la xiriirta haddii ay tabiyaan warar aan raali galinayn maamulka Xizbiga.

Ma jirin wax masuul ah oo cudurdaar ama hadal ka keenay xariga wariyayaasha Soomaaliyeed oo laba maaalmood la isaga hayay xabsiga Afgooye.

Xizbul Islaam,Alshabaab,Dowlada,Ahlu sunnah iyo Amisom ayaa dhamman caburin ku sameeya Warbaahinta Dalka ama Suxufiyiinta ka shaqeeya Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: