SAWIRRO: Shirkad caanaha geela sifaysa oo markii ugu horreysay ka hawlgashay gudaha Soomaaliya
Shirkad ganacsi oo caanaha geella iibisa ayaa markii u horeysay laga hirgeliyay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkadan oo lagu magacaabo Beder ay boqolaal Geella oo irmaan ah ugu sameysay xero lagu xanaaneeyo duleedka magaalada Muqdisho.
Shirkadan oo ay ka howl galaan dad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ayaa Geella lagu xanaaneeyo xerada uu gaaraya ilaa saddex boqol, iyadoo mar kasta caano laga heli karo.
Dadka ka howl gala ayaa waxaa ka mid ah Khabiir u dhashay dalka Sudan oo heysta shahaadada PHD, isagoo ka mid ah dadka sida gaarka ah uga qeyb qaata howlaha caafimaad ee geella iyo xanaaneyntiisa.
Magaalada Muqdisho ayaa labadii sano ee u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay ganacsaiyo kala duwan, iyadoo Ganacsatada Soomaalida ee ka yimid qurbaha ay magaalada ku soo kordhiyeen Ganacsi cusub.
Shirkada Beder ayaa maalin walba suuqa keenta caano, iyadoo ka iibisa macaamiisheeda, caanaha ayaa ku jira jirikaano nadiif ah, iyadoo geella lagu sameeyay baaritaano, lana koontaroolo mar walba caafimaadkiisa.
Caanaha geela oo ay Soomaalidu aad u cabaan ayaa waxaa markii hore keeni jiray geeljiraha kuwaasoo inta badan aan la marin qaab casri ah oo lagu adkaynayo nadaafada iyo sifaynta caanaha geela.
Comments
comments