Sawirro: Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo xalay kullan la qaatay Hobalada Waaberi
Muqdisho_ Ra’iisul wasaaraha dowlada Somaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu weheliyo wasiirka warfaafinta Mustaf dhuxulow ayaa habeenkii xalay Muqdisho kullan kula qaatay faanaaninta Wabeeri.
Kullanka oo ay kasoo qaybgaleen Fanaaniin, Abwaano, Mulaxamaystayal iyo muusikiistayaal, ayaa waxaa kamid ahaa fanaanada Hibo Nuura oo muddo dalka kamaqned, Maxamed Xuseen Lafoole, Abwaan Xasan Barrow, Maki Xaaji Banadir, mujaajilayste Ilka case iyo xubno kale.
Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa fanaaninta kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen wacyigelinta dadka, loona soo noolaynlahaa fankii Somaliya.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sigaara uga codsaday Fanaaninta Waaberi inay xooga saaran sidii ay bulshada uga wacyigelin lahaayeen kawaantobida Burcad badeednimada iyo falalka Araga gixisinimada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar daarmay fanaaninta inay la yimaadan hal abuur cusub, gaar ahaana ay sameeyaan heeso bulshada loogu ifinayo khayradka dalka iyo sidii looga faa,idaysan lahaa.
Fanaanada Caanka ah Hibo Nuuro oo ku hadashay afka hobalada Waaberi ayaa ku amaantay xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli dowrka ay kaqateen sidii Maamuus Qaran loogu samayn lahaa Fanaankii geeriyoday Maxamed Sulaymaan Tubeec.
Hibo Nuuro ayaa intaasi raacisay inay diyaar uyihiin sidii ay bulshada uga wacyi-gelin lahaayeen yagleelida qaranimada Soomaliya.
Maalintii shalay ayaa magaalada Muqdisho Aas Ballaaran loogu sameeyay AHN, marxuum Maxamed Sulaymaan Tubeec, waxaana Aaskisa kaqaybgalay Ra’iisul wasaaraha Somaliya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments