[SAWIRO] Madaxweynaha oo saraakiil dalacsiiyay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan tababar ugu soo xirmay wadanka Uganda.
Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa dhamaay 9-qofood iyadoona ay kazoo qeyb galeyn xafladda Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Fiqi, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Cabdu Qadir Sh, Diinni.
Wasiirka Gaashaandhiga oo xafladda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay saraakiisha uu sheegay iney shaqo badan sugayso oo laga doonayo iney cirib tiraan kooxaha u sheegay iney yihiin haraadiga Al Shabaab.
Sidoo kale Taliyaha xoogga ayaa sheegay in saraakiishan ay soo dhameysteen tababar ay ku qaadanayeen wadanka Uganda isla markaane ay diyaar u yihiin iney dalkooda u dagaalamaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu danbeyntii xafladda soo xirayay ayaa xusay sida ay muhiim u tahay in saraakiishan ay uga faa’ideystaan fursada ay haystaan oo dalkooda hooyo ay wax u qabtaan.
Markii ugu horeysay ayay tahay in madaxweynaha cusub Xasan Sheekh uu dalacsiiyo saraakiil, tan iyo markii xafiiska loo doortey bishii September ee lasoo dhaafey.
SAWIRO
[slidepress gallery='madaxweynaha-oo-saraakiil-dalacsiiyay']
Comments
comments