Sarkaal u dhashay Turkiga oo si arxan dara ah loogu dilay Mogadishu maanta
Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu Magacaabi Jiray sacaadu diin Dogan Waxaana uu ahaa Taliyaha Ciidanka amniga Shirkada Diyaaradaha Turkish Air Lines waxaa la dilay galabta saacadu markii ay ahayd 5:00 Galabnimo
Sarkaalkaan ayaa waxaa rasaas la dhacay Kooxo Hubeysan Cida ay ka tirsan Yihiin lama Oga Lkn Goobta lagu dilay waxaa ay Aad ugu dhawdahay safaarada Turkiga Ee Somalia oo Agagaarka KM4 ku taala kooxda dilka Geysatay ayaa ka Baxsatay Goobta gaariga Mawaadiniin Turkish ah oo la saarnaa sarkaalkaan ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka war heleen rasaas la huwiyay iyo Taliyaha oo dhaawac halis ah uu soo gaaray.
Ciidamo Boolis ah ayaa Goobta Dilku ka dhacay gaaray waxaana ay baaritaan ka wadaan Xaafadaha ka agdhaw Goobta Safiirka Turkiga Ee Somalia Mudane kamalu diin kaani taroon oo Goor dhaw soo saaray war Saxaafadeed ayaa waxaa uu Cambaareeyay Dilka Sarkaalkaan waxaana uu sheegay in Baaritaan lagu samey doono Cidii Falkaan ka dambeysay .
Comments
comments