Sargaalkii Faransiiska aha Ee maanta ka baxsaday afduubayaasha Islaamiyiinta oo galabta ka duulay garoonka Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho)Â Sargaalkii Faransiiska ahaa Ee maanta la soo baxsaday gacanta kooxaha afduubayaasha ayaa galabta laga duuliyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Sargaalka Faransiiska ah ayaa galabta waxa uu ka duulay garoonka diyaaradaha Magaalada muqdisho halkaasi oo ay soo gaartay diruurad si gaar ah loogu soo dira.
Masuuliyiin Dowlada Fd Soomaaliya ka tirsan ayaa ku sii sagootiyaya garoonka Magaalada Muqdisho halkaasi oo galabta uu ka ambabaxay.
Sargaalka Faransiiska ayaa Xaaladiisu waxa ay ahayd mid aad u liidata iyadoo ay garbaha uga jireen Wasiiro Dowlada ka tirsan xiliga diyuurada la saarayay .
Warfidiyeenadii maanta gaaray garoonka Muqdisho ayaa loo diiday in ay sawiro iyo muuqaalo wanaagsan ninkaasi ka qaataan iyadoo taasi ay hor’istaageen Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada maadaama ninka Faransiiska uu ahaa mid liitay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments