Calendar

Sargaal Xizbul Islaam ah oo Maanta is casilay markii uu ku fashilmay dayactirka Wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye.

xizbul IslaamBartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Waxaa maanta xilka iska casilay Sargaalkii ugu sareeyay Kooxda Xizbul Islaam ee qaabilsanaa dayactirka wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye.

Sheekh Salmaan Maxamed Cusmaan Barfuun oo ahaa Sargaalkii Madaxda ka ahaa Mashruuc la doonayay in lagu dhiso wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Sargaalkan ayaa sheegay in uu mashruucaasi fashilmay markii Ciidamada Xizbul Islaam ay si qaldan gaadiida uga soo qaadaan lacagta la doonayay in  wadada lagu dhiso.

Sheekh Salmaan waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay dad u dileen lacagta wadada laga soo qaado gaadiidka si wadada loogu dhiso taasina uu ka baqday in uu dimbi ka soo gaaro.

Wadada isku xerta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa waxa ay tahay mid burbursan oo aanay gaadiidka mari Karin taasi oo keentay in guddi loo saaro dayactirka wadada kaasi oo fashil ku yimid.

Laba cesho ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Xizbul Islaam ay rasaasw ku furayeen gaari doonayay in uu ka baxsado bixinta lacagta wadada lagu dhisaayo oo dad ay ku dhinteen rasaastaasi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: