Sargaal Xilli Dowlada ka soo goostay oo Maanta ka baxsaday Xizbul Islaam Degmada Luuq.
Bartamaha (Doolow) Taliyihii Ciidamada Dowlada Degmada Luuq oo todobaad ka hor isku soo dhiibay Xizbul Islaam ayaa maanta gaaray Degmada Doolow isagoo sheegay in Siyaasad uu lahaa uu ku guuleystay.
Siyaad Cabdi Kaliil oo ahaa Sargaal dhawaan isku soo dhiibay Xizbul Islaam Degmada Luuq ayaa maanta gaaray Degmada Doolow ka dib markii uu naftiisa kala cararay Xizbul Islaam.
Siyaad Cabdi Kaliil oo la hadlayay Warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in uu siyaasad uu ka lahaa Degmada Luuq uu soo gutay ka dibna uu dib u gaaray Degmada Doolow.
Sargaalkan ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa uu sheegay in uu ka soo tagay Dowlada islamarkaana uu Xizbul Islaam magangalyo iyo Cafis weydiistay isagoo muddo ku sugnaa guri uu magaalada ku lahaa.
Kaliil ayaa waxaa la sheegay in ay la soo derestay Cabsi la xiriirta in lagu dilo Luuq dhexdeeda maadaama Kooxaha Islaamiga ah ay caada ka dhigteen in ay dilaan Saraakiisha isku soo dhiibta.
Taliyihii hore ee Degmada Luuq oo ku sugan Doolow ayaa sheegay in ay ogaadeen Dowlada tayada Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam iyo guud ahaan Alshabaab dhawaana lala wareegayo Gobolka Gedo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments