Sargaal u shaqeynayay hay’ad Samafal Wadani oo Xalay lagu dilay Degmada Balad-Xaawo Gobolka Gedo.
Bartamaha(B/Xaawo):-Kooxo aan la garan ayaa xalay waxa ay dileen madaxii hay’ada samafalka Waayeelada Gobolka Gedo xilli uu ku sugnaa gurigiisa Degmada B/Xaawo.
Cusmaan Maadey o ah Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu in mudda ku sugnaa Degmadaasi B/Xaawo markii la soo saaray amaro ka dhan ah qaar ka mida hay’adaha samafalka.
Kooxda dilka geysatay ayaa waxa ay u galeen guriga uu ninkaasi daganaa iyadoo rasaas ay madaxa kaga dhifteen markii ninkaasi uu albaabka ka furay ragga dilka u geysanayay Cusmaan Maadey.
Dilka Masuulkaasi hay’ada Daryeelka Waayeelada ayaa waxa uu imaanayaa xilli Alshababa ay albaabyada u laabeen xaruntii lagu xanaanayn jiray Waayeelada Eek u taalay Balad-Xaawo.
Dilka ninkaais ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaanahan Kooxo aan la garan ay waraaqo digniin ah u daadinayeen dhammaan dadka xiriirka la leh hay’adaha Samafalka nuuc waliba oo ay yihiin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments