Calendar

Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam oo lagu toogtay Deegaanka Xaawa Cabdi.

shababBartamaha(Muqdisho):-Sargaal ka tirsan Maleeshiyada Xizbul Islaam ayaa saaka Koox dablay ah ay ku dileen gudaha Isbitaalka Xaawa Cabdi duleedka Muqdisho.

Sargaalkan ka tirsan Xizbul Islaam ayaa ahaa Taliyihii Kooxdaasi ee Deegaanka Xaawo Cabdi iyadoo dablay hubaysan ay toogteen xilli uu hubkiisa lka galayay gudaha Isbitaalka Xaawo Cabdi.

Sheekh C/Waaxid Xuseen Xasan oo ah sargaalka la toogtay ayaa ahaa taliyihii Ciidanka Amniga Xizbul Islaam Xaawo Cabdi kaasi oo la dilay markii ay murmeen isaga iyo ilaalada Isbitaalka.

Sargaalka ayaa la xaqiijiyay in uu hubkiisa la galay gudaha Isbitaalka taasina ay ka biya diideen Koox ka mid ahayd ilaalada Isbitaalkaasi oo dad bukaan ah ay jiifaan.

War madax banaan ayaa sheegaya in xiliga muranka dhacay ay rasaas bilaabatay taasi oo ay isdhaafsanayeen ilaalada sargaalka iyo Ilaada Isbitaalka ka dibna ay rag kale ka faa’iideysteen oo sargaalka ay dileen.

Ninkan la dilay ayaa maydkiisa la dhigay xarunta Maamulka Xaawo Cabdi waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoogan oo ay wadaan Koox

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: