Sargaal ka soo goostay Axmed Madoobe oo Shabaab ku biiray.
Bartamaha(Afmadow):-Sargaal sare oo ka soo goostay Ciidamada Axmed Madoobe ayaa ku biiray Kooxda Alshabaab ka dib khilaaf soo kala dhexgalay Kooxda Axmed Madoobe.
Masuuliyiinta Maamulka Alshabaab Gobolka Jubooyinka ayaa ka hadlay sargaal la sheegay in uu ka soo tagay Axmed Madoobe ka dibna uu isku dhibay Kooxda Alshabaab.
Sheekh Maxamed Abuu sakariye ah Gudoomiyaha Al-shabaab Afmadow oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sargaal ka soo goostay Axmed Madoobe.
Sargaalka shabaabka u hadlay ayaa qiray in ay dadaal ku bixiyeen sidii Sargaalkan uu u soo gaari lahaa Gacanta Mujaahidiinta gaar ahaan Afmadow ka dibna Kismaayo ay u gidbiyeen.
Sargaalka ma jeedin wax war ah balse waxaa u hadlay Ninka shabaabka ah oo sheegay in Sargaalka uu ka soo tagay Axmed Madoobe markii uu la heshiiyey Dowlada KMG ah iyo Kenya.
Sargaalka soo goostay ayaa ka gaabsaday ka hadalka ujeedada uu uga soo tagay Axmed Madoobe isagoo wakiishay Sargaalka Afmadow u qaabilsan alshabaab.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments