Sargaal ka mid ahaa ciidamadii Maxkamadaha dowlada racsan ayaa maanta ku biiray kooxda Xizbul Islaam.
Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh C/qaadir Xamsa (Qataata) oo ahaa Sargaal ka tirsan ciidamada maxkamadaha islaamiga ah ee dowlada raacsan ayaa manta waxa uu si rasmi ah ugu biiray isaga iyo ciidamo uu watay kooxda Xizbul Islaam.
Â
Sheekh C/qaadir Qataata oo ahaa xili taliyihii ciidamadii maxkamadaha islaamiga gaara ahaan Rugta weerarada ee degmooyinka Hodon,Iyo waabari ayaa la sheegay in xilli hore uu ka barbar dagaalamayay ciidamada dowlada Fd soomaaliya balse haatan uu ku soo biiray kooxdaasi Xizbul Islaam .
Â
Qataata oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu go’aansaday in ka soo tagistiisii dowlada Fd soomaaliya oo uu sheegay in ay abaabushay weeraro lagu jabinayo xoogaga islaamiga ah sida uu sheegay.
Â
Sargaalkan Xizbul Islaam ku biiray ayaa la sheegay in uu watay ilaa 3Gaari nuuca dagaalka ah xilligii uu maanta gaarayay suuqa bakaaraha xarun ay ku leeyihiin kooxdaasi Xizbul Islaam.
Â
Xiliga uu manta saxaafada telfonka kula hadlayay ayaa waxaa garabkiisa fadhiyay saraakiil sarsare uu ka mid ahaa Sh.Muuse Cabdi Caraale kaasi oo uu sheegay in ay si xoogan u soo dhaweynayaan wallaalkooda manta u yimid sida uu sheegay.
Â
Ma aha markii ugu horeysay ee saraakiil maxkamadaha dowlada raacsan ay ka goystaan isla markana ay gaaraan xagga goobaha ay ka soo jeedaan raga islaamiyiinta mucaaradka ah iyadoo dhawaan saraakiil sarsare oo ka mid ah ciidamada dowlada ay xilligii dagaaladan ay bilowdeen ay ka soo jeesteen xagga kooxda Xizbul islaam.
Â
Xarunta Wararka Xaqiida ah  www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments