Sare u Kac Aad u Xoogan oo Laga Daremayo Suuqyada Xoolaha Ee Magaalada Kismaayo.
Bartamaha(kismayo):-Suuqa xoolaha Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose ayaa waxa laga dareemayaa Sara ukac xoog leh oo ku yimid qiimiaha lakala siisto xoolaha kala duwan ee gobolada Jubooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kadib markii la fasaxay xoolihii noolaa ee laga dhoofin jiray wadanka soomaaliya.
Mar aan saaka booqda suuqa xoolaha ee magaalada kismaayo ayaa waxaan ka wareystay mid kamid ah dalaaleyda suuqa weyn ee xoolaha oo lagu magacaabo max’uud Barre waxa uuna ii sheegay in sare u kac uu ku yimid qiimaha lakala siisto xoolaha kala duwan ee magaalada kismaayo tan iyo intii ay dowlada sucuudigu fasaxday xoolihii laga dhoofin jiray wadanka Soomaaliya.
Ganacsatada suuqa xoolaha ee magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in arintani ay timid kadib xayiraadii ay dowlada sucuudigu ka qaaday xoolaha laga dhoofiyo wadanka soomaaliya taana ay sababtay in ay suuq helaan xoolaha wadanka Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee sare u kacaan ku yimid xoolaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay fooda nagu soo heysto ciida weyn ee loo yaqaan “ciidul Adxaa†oo xoolaha si weyn loo iibsado.
Â
Warar xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com
 Kismayo-Somalia
Comments
comments