Calendar

Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamada dowlada Ee Maanta la wareegtay Degmada Luuq oo faa-faahin ka bixiyay qaabkii ay deegaanka u soo galeen.

geddddooBartamaha  (Deg. Luuq):- Saraakiisha Ciidamada Ee  maanta la wareegtay gacan ku haynta Degmada Luuq ayaa sheegay in ay u yimaadeen sugidda Nabad-galyada Deegaankaasi.

COL..Maxmed Cismaan Taliyaha Ciidamada Dowlada ee hoggaaminayay  Ciidamadii saaka soo gaaray Degmada Luuq ayaa saxaafada u sheegay in ay deegaankaasi u yimaadeen sugidda Ammaanka iyo ka dulqaadida dhibaatada ay ku wadeen islaamiyiinta .

Taliyaha Ciidamada ayaa waxa uu sheegay warfidiyeenada in ay si nabad ah de4egaanka u soo galeen islamarkaana aanay jirin wax qasaara ah oo shacaba tagitaankooda deegaanka ka soo wajahay.

Dhanka kale Cabdi Barre Cabdi Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in degmada ay la wareegeen Ciidamada Dowlada isagoo sheegay in ay haatan deegaanka Baardheere tagayaan si ay bulshada deegaanadaasi u soo booqdaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in guusha isdaba jooga ah ay ku gaarayaan dhammaan Degmooyinka Gobolka iyo gobolada Jubooyinka oo ah goobaha ay ku wajahanayihiin isagoo qiray in dadka deegaanka ay ku faraxsanyihiin imaanshahooda deegaanadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: