Calendar

Saraakiisha Raas-Kambooni oo go’aan aan loo dhammeen ku tilmaamay ku biiritaankii Alshabaab.

xizbul sialBartamaha(Muqdisho):-Saraakiisha Mucaskarka Raas-Kambooni ayaa maanta shaaca ka qaaday in aan loo dhammeen go’aanka Alshabaab ay kula biireen saraakiil sare oo ka mida Koxdaasi.

Sargaal lagu magacaabo Bare Cali Bare oo sheegtay in uu yahay Taliyaha rasmiga ah ee Kooxda Raaskambooni ayaa sheegay in aanay ku raacsanayn saraakiisha ururkaasi qaarkood oo Alshabaab la midoobay.

Sargaalka ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin hadalka ka soo baxay qaar ka mida saraakiisha Raaskambooni isagoo sheegay in aanay erayadaasi ka filaynin.

Bare Cali Bare ayaa waxa uu sheegay in  uu yahay Taliyaha Ciidamada islamarkaana ay ciidamadooda yihiin kuwa midaysan oo aan raacaynin hadalka qaar saraakiisha ka mida oo uu sheegay in aanay matali Karin dhammaan Mucaskarka.

Sargaalkan ayaa waxa uu caddeeyay in aanay marnaba la shaqeyn doonin Alshabaab oo ah Koox dhisan islamarkaana ay dhankoda ka madax banaanyihiin oo aan lagu qasbi Karin in ay la shaqeeyaan.

Ugu danbayn Sargaalkaasi xilli Afhayeen u ahaa Kooxda Kambooniyiinta ayaa waxa haatan sheegtay in uu taliye Ciidan yahay islamarkaana aanu qaadanaynin hadalka sheegaya in ay ku biirayaan Kooxda Alshabaab.

Waa khilaafkii ugu horeeyay ee soo kla dhexgala Kooxda Kambooyiinta oo uu hogaanka u yahay Xasan Turki iyadoo shalay la sheegay in uu ALshabaab la midoobay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: