Calendar

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Ee Balan-Bale gaaray oo kulamo xalay halkaasi kula yeeshay Maamulka iyo Waxgaradka Deegaankaasi.

Ethiopian troopsBartamaha(Balan-Bale):-Saraakiisha horkacaysa Ciidamada Itoobiya Ee Gaaray Deegaanka Balan-bale ayaa xalay waxa ay halkaasi kulamo kula yeesheen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Deegaankaasi.

Kulankan oo ka dhacay bartamaha Deegaanka Balan-bale ayaa waxaa halkaasi ku yeeshay waxgaradka iyo maamulka Deegaankaasi oo dhinac ah iyo Saraakiisha horkacaysa Ciidamada Itoobiya Ee dhawaan soo gaartay Deegaankaasi.

Gudoomiyaha Deegaanka Balan-bale Hareeri Xasan Bare ayaa shegay in Ciidamada Itoobiyaanka Saraakiishooda ay ka wada hadleen ammaanka Deegaanka Balanbale iyo wada shaqeyn ay yeeshaan Ciidamadaasi iyo Maamulka Deegaanka. 

Xareeri Xasan Bare ayaa waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay isla meel dhigeen in askarta Itoobiyaanka ah ay ku ekaadaan duleedka Deegaankaasi islamar’ahaanataana aanay gudaha u soo galin deegaanka Balanbale.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay deegaankaasi ku yimaadeen amar ka soo baxay dowlada Fd Soomaaliya oo uu sheegay in ay dalbatay askartaasi in ay ilaaliyaan deegaanada Gobolka Gal-gaduud halkaasina ay sii joogi doonaan.

Kulankan ayaa yimid ka dib muddo 2-maalmood ah oo ay Ciidamada Itoobiya joogaan Deegaanka Bala-Bale halkaasi oo maamulkeedu ay sheegeen in ay haystaan Ogolaansho ay ku sii joogaan Deegaanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: