Calendar

Saraakiil katirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo gaareen gobalka hiiraan.

Warar lugu kalsonaankaro ayaa waxaa ay sheegayaan Magaalada Beledwayne ee Gobalka Hiiraan  saraakiil katirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay gaareen gobalkaasi .
masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan ee dowladda KMG Soomaaliya oo lugu maga caabo Kaynadiid Muumin Cali  ayaa mid ka mid ah warbaahinta  magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay tageen Magaalada Beledwayne .

Waxa uu sheegay in goordhaw ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay tagayaan gobalkaasi Hiiraan islamarkaana ay ka howlgalayaan gobalka oo idil ma uusan sheegin ciidamada tagaya gobalka Hiiraan dalka ay ka socdaan hayeeshe waxa uu tilmaamay kaliya in gobalka Hiiraan dhawaan ay tagi doonaan ciidamo ka socda kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Warar soo baxaaya ayaa waxa ay shegayaan ciidamada AMISOM ay halkaas la geendono ay yihiin kuwa dalka jabuuti oo hada qar ka mid ah ciidamadaas ay ku sugayihiin magaalada muqdisho.

Kaynadiid Muumin Cali ayaa waxa uu dhan kale ka hadlay Hay’adihii ka howlgali jiray gobalkaasi Hiiraan iminka ay dib ugu soo noqonayaan islamarkaana ay howshoodii dib u bilaabayaan kadib marki ay arkeen sida uu sheegay in ammaanka gobalkaasi la isku halayn karo.

Waxa uu tilmaamay in ammaanka gobalka Hiiraan la adkaynayo islamarkaana ciidamada dowladda ay bilaabayaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka gobalka Hiraan.

Magaalada Beledwayne ee gobalka Hiiraan ayaa iminka waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya oo 31-kii bishii December ee sanadkii tagay kala wareegay gacan ku haynta Magaaladaasi Maamulkii Ururka Al-Shabaab ee halkaasi ka talin jiray.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: