Saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya oo sheegay in Itoobiya aysan ciidankeedii la bixin
Waxaa maalmahii lasoo dhaafay saxaafada soo gaaray warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ay isagay baxeen gobolka Bay ee Soomaliya.
Balse saraakiil katirsan ciidamada Soomaaliya oo baydhabo ku dugan ayaa sheegay in wararkaas aysan waxba ka jirin.
Col Xasan Maxamed oo loo yaqaano Xasan Baydhabo ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa gaashaandhiga dhawaan socdaalki ay ku tageen Baydhabo in la isla gartay in ciidamada Itoobiyaanka ah ay badalaan ciidamo ka socda AMISOM ayaguna ay sii wadaan xoraynta deegaanada gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.
Waxaana dadweynaha magaalada Baydhabo soo foodsaartay cabso xoogleh tan iyo markii ay magaaladaas ka baxeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa, iyadoo dadweynuhu ay ka cabsi qabaan in dagaalyahannada Alshabaab ay ku soo rogaal celin karaan goobahaas.
Magaalada Baydhabo ayaa xarun u ah gobolka Bay ee koonfur-galbeed Soomaaliya.
Comments
comments