Calendar

Saraakiil iyo Xildhibaano khilaaf uga tagay Balad-Weyne oo loo diiday in ay galaan Woqooyiga Gaal-Kacyo.

gaalkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Saraakiil ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo caro uga tagay Magaalada Balad-Weyne ayaa la xaqiijiyay in Xalay Maamulka Puntland uu u diiday in ay u soo talaabaan Woqooyiga Gaal-Kacyo.

Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaraya Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com ayaa xaqiijinaya in Ciidamo uu wato  taliyaha Ciidamada Dowlada Hiiraan Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Mudane Baar;lamanka ka tirsan xalay laga hor istaagy galitaanka Woqooyiga Gaal-Kacyo.

Taliyaha ayaa la xaqiijiyay in uu shalay ka soo dhaqaay Deegaanka Ceel-Gaal halkaasi oo la xaqiijiyay in ay isku khilaafeen Saraakiisha Dowlada Ee Gobolka Hiiraan ka dib markii amar la’aan loo faarujiyay Magaalada Balad-Weyne.

Taliyaha oo ay wada socdaan Xildhibaan aaan magaciisa la sheegin ayaa la tilmaamay in xalay fiidkii hore uu gaaray Controlka laga soo galo Woqooyiga Gaal-Kacyo halkaasi oo Ciidamada Puntland ay ku amreen Taliyaha in uu la laabto Ciidamadiisa.

Ka dib muran iyo wada hadal ayaa la xaqiijiyay in taliyaha oo markiisii hore caro uga soo tagay Balad-Weyne uu dib uga laabtay Controlka iyadoo Ciidamadiisa ay fariisino ka samaysteen xaafad ku taala Koonfurtya Magaalada.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: